Suarez oo sii wadda wacdarihii Guul fududna u gacan gelliyey Barcelona

Luis Suarez ayaa midna dhalliyey laba goolna oo kalena hal abuuray ciyaar Barcelona ku soo koobtay faraqii dhibcaha ahaa ee u dhexeeyey kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Real Madrid afkana ciida ugu dartay naadiga Granada.Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 2
Weeraryahanka reer Uruguay ayaa kubad uu koorne kala soo gallay oo uu laad xoogan qabad siiyey ay ka soo danab kacday goolwadaha taas oo uu si fudud ugu celiyey shabaq aan cidina ilaalinayna ku dhuftay Ivan Rakitic ayaa noqotay goolkii koobaad ee ay hogaanka ciyaarta ku qabato Barca, Markii nasashada sidaas uun looga soo noqday ayuu hadana ciyaarta 2-0 ka dhigay Suarez.Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 3
Rigoodhe uu u dhaliyey ciyaaryahan Fran Rico ayaa soo nooleeyey rajadii Granada, laakiin Luis Suarez ayaa markale goolwadaha masaxay oo kubad uu dhalin karayay si walba ku sadaqaystay saaxiibkii Lionel Messi oo isna aayar si u qaadan waa ah u dhamaystiray ciyaartana ka dhigtay 1-3 ay guushu ku raacday Catalanka.
Barca ayaa imika dhibic kaliya ka hooseysa Real, oo iyadu marti gallin doonta Villarreal Berri Axadda hadii Eebe Idmo.


Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 4 Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 10 Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 9 Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 8 Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 7 Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 6 Suarez oo Messi Gool Cawri Gaf ah Siiyey Barcelona 3-1 granada 5