Barcelona Oo meesha ka saartay inuu Messi Iib Yahay 

Kadib marki ay soo baxeen warar sheegaya inay suurto-gal tahay in Lionel Messi ka hayaamo  safka Barcelona xagaagan, waxaa Channel laga leeyahay Catalonia uu sheegay in kooxdu ku qanacday iibka  Messi, maadaama wadahadal lagu kordhin lahaa heshiiskiisa uu burburay, laakiin waxaa maanta si wada jira u beeniyay warkaas wargeysyada Mundo Deportivo iyo Sport  oo labaduba sheegay inaan Messi iib ahayn.

Mundo Deportivo waxay xaqiijisay  in kooxda Barcelona aanay  qorsheyneyn suuq geynta Messi, iyadoo Lionel ka mid yahay laacibiinta ugu muhiimsan kooxda  xiligan, isagoo noqday laacibka ugu fiican adduunka afar sanno oo isku xigta (2009-2012), Messi ma doonayo in koox kale uu tago.

Isla warkan ayaa lagu xusay in Barcelona dooneyso in heshiis cusub ka saxeexaan Lionel Messi ka hor koobka aduunka ee Brazil, si laacibku xulkiisa u metelo isagoo qabin wax mashaakiladaha.