Barcelona Vs Villarreal: Barcelona Oo Gellin Horeba Shaacisay Xulkeeda Kulanka Caawa

Villarreal vs BarcelonaCiyaarta aadka loo sugayo ee is-aragga lugta labaad ee tartanka Copa del Rey ee Semi-finalka ee dhex mari doonta Villarreal iyo Barcelona ayuu tababaraha kooxda Catalonia wakhti horeba sii magacaabay xulkiisa uu kala hor tegi doono naadiga dharka huruudda ah leh ee Villarreal.

Ciyaartii hore ee ay labadan kooxood ku wada yeesheen garoonka Barcelona ee Camp Nou ayaa ku dhamaatay 3-1 ay ku badisay Barca, hase yeeshee waxa caawa la isla tegayaa garoonka El Madrigal ee ayy iska leedahay Villarreal taas oo doonaysa in ay ka aar-goosato Barca isla markaana u baxdo ciyaarta faynalka ee Copa del Rey.

LuisEnrique, tababaraha Barcelona ayaa soo xushay kooxdiisa ugu awoodda badan, waxaana liiskiisa ku suntan 18 ciyaaryahan oo ay ku jiraan Luis Suarez iyo Javier Mascherano oo labadooduba kaadhadhka digniinta ah la siiyey kulankii hore, kuwaas oo haddii caawa loogu daro kaadh kale seegi doona ciyaarta koobka haddii ay kooxdoodu u soo baxdo.

Barcelona waxa aan caawa dharkeeda xidhan doonin Claudio Bravo, Douglas Pereira, Marc Bartra iyo Sergi Roberto.

Tababaraha Barcelona ayaa sida lagu shaaciyey websiteka kooxdaas, waxa uu soo xushay 18kan ciyaartoy:

Goolka: 1. Marc-André ter Stegen, 25. Jordi Masip

Difaaca: 2. Martín Montoya, 3. Gerard Piqué, 14. Javier Mascherano, 18.Jordi Alba, 21. Adriano Correia, 22. Dani Alves, 24. Jérémy Mathieu

Dhexda: 4. Ivan Rakitic, 5. Sergio Busquets, 6. Xavi Hernández, 8. Andrés Iniesta, 12. Rafinha Alcântara

Weerarka: 7. Pedro Rodríguez, 9. Luis Suárez, 10. Lionel Messi, 11. Neymar Jr.

Line-upka rasmiga ah ee la filayo in ay garoonka galaan iyo sida ay u ciyaari doonaan

Tababare Enrique waxa uu ku ciyaari doonaa shaxda loo yaqaano 4-3-3 oo ah afar difaac ah, saddex dhex ah iyo saddex weerarka.

ter Stegen; Alves, Piqué, Mathieu, Alba; Busquets, Rakitic, Rafinha; Pedro, Messi, Neymar

ciyaarta ayaa bilaabmi doonta 10:00 fiidnimo saacadda bariga Afrika.