Bayern Munich Oo Ciyaar Gacmaha Layskula Tegay Kaga Dul-tallaabsatay Sevilla

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa iska xaadirisay wareegga afar dhamaadka tartanka Champions League kaddib markii ay barbar dhac goolal la’aan ah ku kala baxeen Sevilla oo ay ku martigelisay garoonka Allianz Arena.

Bayern Munich iyo Sevilla oo kulankoodii hore ku kala baxay 2-1 ay guushu ku raacday Munich, ayaa waxa 2-1 ugu gudbay wareegga afar dhamaadka kooxda reer Germany ee Bayern Munich, taas oo sugi doonta isku aadka Jimcaha la samayn doono oo ay heli doonto kooxda ay la ciyaari doonto.

Ciyaartu intii ay socotay waxa ay Sevilla soo bandhigtay ciyaar aad u qurux badnayd, hase yeeshee, waxa dhinaca kale ay sameeyeen dagaal ay kala hor tageen xiddigaha Munich, iyadoo ay dhulka ugu tuureen weeraryahanka Robert Lewandowski.

Arrintan waxay keentay in kaadhka cas loo taago dhamaadkii ciyaarta laacibka reer Spain ee Joaquin Correa oo difaaca uga ciyaara Sevilla, hase yeeshee, waxa ay ku dhowaadeen inay gool dhaliyaan, inkastoo ay fursado badanna khasaariyeen.

Ciyaartan ayaa noqotay kulankii koowaad ee muddo 22 ciyaarood ah oo ka tirsan tartanka Champions League oo garoonkeeda ah oo aanay goolal ku dhalinin hoygeeda.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.