Bayern Munich Oo Casharisay PSG, Neymar Oo La Waayey Iyo Mbappe Oo Goolkiisii Helay

Bayern Munich ayaa 3-1 ku dhibraaxday PSG oo ay ku martigelisay magaalada Munich, halkaas oo ay ku wada ciyaareen kulanka ugu dambeeya ee Group B.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Allianz Arena ayaa waxa garsoore ka ahaa khabiirka u dhashay waddanka Turkey ee Cuneyt Cakir kaas oo ciyaarta ku ilaaliyey inay noqoto mid deggan oo xamaasadda ciyaartoyga xafiiltanku ka dhexeeyo ku xakameeyey inay kubadda oo kali ah ciyaaraan.

Tababare Jupp Heynckes oo dib ugu soo laabtay Bayern Munich markii shaqada laga caydhiyey Ancelotti ayaa kusoo galay shax aan ka fogeyn kuwii Ancelotti, hase yeeshee waxa uu kabtanka kooxda u dhiibay Frank Ribery, halka uu James Rodriguez ka ciyaarsiiyey baasha bidix, halkaas oo uu kasoo dhiibayey kubbado badan oo madaxa ay la haleen ciyaartooyada Munich, gaar ahaan goolka labaad oo uu dhaliyey Toliso.

Daqiiqaddii 4aad ee ciyaarta ayaa ay PSG ku dhowaatay inay hoggaanka ciyaarta qabato kaddib markii weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe uu kubbad ka helay goolka Bayern hortiisa, isla markaana ku liishaamay goolka, waxaase badbaadiyey goolhaye Sven Ulreich.

Daqiiqaddii 8aad ee ciyaarta ayaa ay Bayern Munich u damaashaadday goolka koowaad, kaas oo uu saxeexay laacibka Robert Lewandowski oo kubbad ka helay Kingsley Coman, waxaanu goolkaasi ahaa kiisii 3aad ee uu dhaliyey intii uu tartanka Champions League socday.

Daqiiqaddii 37aad ayaa ay Bayern Munich xaqiijisay farxad ay ku dhamaysanayso ciyaarta markaas oo Corentin Tolisso uu madax qurux badan ku dhaliyey kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay James Rodriguez.

Daqiiqaddii 50-aad, inyar kaddib markii lagu soo laabtay qaybta dambe, waxa kubbad ka helay diilinta goolka Munich hortiisa weeraryahanka PSG ee Edinson Cavani, kaas oo markii ay difaaca Bayern hor istaaggeen kubbad qurux badan u dhiibay Kylian Mbappe oo isaguna madax awood badan kubadda ku hubsaday shabaqa Bayern Munich, ciyaartana ka dhigay 2-1.

Bayern Munich oo lahayd gacanta sare ee ciyaarta, taas oo taageereyaasha faraha badan iyo garoonkoodu uu gacan siinayey, ayaa daqiiqadii 69aad sii dheeraysay hoggaanka ciyaarta, waxaana gool labaad dhaliyey Corentin Tolisso oo natiijada ciyaarta ka dhigay 3-1, halkaas oo PSG ay dareentay in aanay lahayn rajo ay kusoo qabato.

Inkasta oo Bayern Munich ay badisay, waxa kaalinta koowaad ku baxday PSG, halka Bayern Munich ay  kaalinta labaad kaga soo baxday. Kaalinta saddexaad waxa gashay Celtic oo iska xaadirisay Europa League, halka Anderletch oo waddanka Belgium ka dhisan ay dalkeeda ku laabatay.



Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com