Bloody Night ! – Rabshado Dhiig Ku Daatay Oo Ka Dhacday Ciyaartii Xallay ee Roma – Daawo Sawirada

Feyenoord taageerayaasheeda iyo ciidamada rabshadaha ka hortaga ee wadanka Talyaaniga ayaa mar kale isku dhac dhiig badani ku daatay ka dhex qarxay ka hor ciyaartii horyaalka Europa League ee kooxdaasi martida u ahayd naadiga Roma xallay.
Kadib markii xabsiga loo taxaabay 33 taageere maalintii Arbacaddii, taageerayaal ku dagaalamaya quraarado holcaya ayaa ku gannayay dhinaca ciidamada nabad sugida faras magaalaha caanka ah ee “Spanish Steps” ee badhtamaha caasimada Rome, halkaas oo 6,000 ee u soo safray hiilka naadigooda Feyenoord qaar badan oo kamid ahi dhiiga shalaq saddeen markii ciidamadu u adeegsadeen budhadh iyo qiiqa dadka ka ilmeysiiya, waxaa iyana sidoo kale dhaawacyo darani soo gaadheen qaar ka tirsan saraakiishii booliiska.
Maayarka magaalada Rome, Ignazio Marino, ayaa markiiba soo dhigay fariin bogiisa Twitter, taas oo uu ku sheegayo in ‘magaaladiisu la tacaalayso rabshado iyo qalalaase ka socda faras magaalaha iyo meelihii ugu quruxda badnaa caasimada’.
Wuxuu intaas ku daray: ‘Aad baan u cadhaysanahay xaqiiqdii. Waxa dhacayaa waa arin aan la aqbali karin. Waxaanu la xidhiidhnay xukuumada iyo Ambasadoorka wadanka Holland u fadhiya Talyaaniga. Halkaas sheekadu ku dhamaan mayso. Waxaan ka qaylinayaa oo ka mudahraadayaa oo dalbanayaa sharaxaad sababta cida waxan masuulka ka ahi ay u bartilmaameedsanayso goobaha ugu muhiimsan magaalada.
‘Waxaa waxyeelo la gaadh siiyey Barcaccia (Taalo weyn oo dooni ah oo badhtamaha Roma kumanaan sano ka hor laga dhisay), taas oo wakhti dhaw uun dib u cusboonaysiin lagu sameeyey. Qalalaasahani waa mid aan la aqbali karin reer Romana noqon maayaan kuwa bixin doona magdhawga .’
Lix sarkaal oo ciidanka Booliiska ka tirsan waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo cusbitaalada loola cararay, dhamaan goobihii taariikhiga ahaa oo dhami waxaa soo gaadhay khasaare balaadhan, Taaladii doonta qarnigii 17 aad la dhigayna khasaare ayaa la gaadh siiyey.
Nicola Zingaretti, oo ah gudoomiyaha gobolka Lazio ee Roma caasimada u tahay ayaa isna barta bulshada ku qaybiyey fariintan: ‘Burburka loo geystay Roma waa hawl ay ka dambeeyeen dadka aan ilbaxa ahayn. Imika waxaa loo baahan yahay Talaabo ciqaabeed daran in laga qaado oo aan marna gabasho lahayn.’

UEFA ayaa dhinaceeda sheegtay inay baadhitaan ku samaynayso dhacdo kasta oo iska hor imaad ah oo ka dhacay agagaarka garoonka Olympico.
Labada kooxood ee ciyaartu dhex maraysay ayaa iyaguna ku kala baxay 1-1 barbar dhac ah , labadaas gool oo ay u kala dhaliyeen Gervinho oo Roma qaybtii hore hogaanka u dhiibay iyo Colin Kazim-Richard oo naadiga reer Holland bilowga qaybtii labaad u barbareeyey.