Bonucci Oo Ka Dalbaday Morata Inuu Ku Biiro AC Milan

Difaaca ay dhowaanta iibsatay AC Milan ee Bonucci ayaa ka dalbaday weeraryahanka Real Madrid ee Alvaro Morata inuu kula biiro kooxda guunka ah ee Milan, taas oo ku jiro dibu-dhis ballaadhan markii ay iibsadeen maalqabeeno China ah.

Sida uu qoray wargeyska Gazzetta delo Sport ayaa shaaciyey in AC Milan ay raadineyso weeraryahanka Real Madrid oo ay dooneyso inay keento garoonka Giuseppe Meazza, qaybna uu ka noqdo mashruuca ballaadhan ee dibu-dhiska ah ee naadigaasi doonaya inuu saaxadda loollanka dib ugu soo nqodo.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska MARCA ee ka soo baxa magaalada Madrid ayaa aaminsan in aanu Morata ku biiri doonin Milan sababo dhawr ah daraadood, kuwaas oo ay ugu horreyso in aanu naadigaasi sannadkan ciyaari doonin tartanka Champions League.