Bournemouth Oo Sii Murgisay Xaaladii Cakirnayd Ee Arsenal

Khajilaadii Arsenal la deristay mudooyinkan u dambeeyey ayaa ah mid halkeedii ka sii socotay, kadib laba gool oo ay ka dhaliyeen Callum Wilson iyo Jordon Ibe markii ay Bournemouth intay isaga soo beday gool lagaga naxsaday, ay guul iyo dhirbaaxo hor leh ku sii jiqsiisay kooxda Gunners – oo laga filayay kaalinta afraad hirdankeeda.

Wiilasha tabobare Arsene Wenger Ayaan imika guul urinin shan ciyaarood tartamada oo dhan, shan dhibcoodna ka dib dhacay kooxda kaalinta afraad Premier League kaga jirta, kadib Bournemouth markii ay ku sii dhibco tirsatay kagana dhigatay kulamada aan dhinaceeda dhulka la dhigin, afar ciyaarood si ay kor uga soo ruqaansato kooxaha hoosta kaga jira liiska kala saraynta.

Difaacyahan Hector Bellerin ayaa u gacan galiyey kooxda martida ahayd, oo ku ciyaaraysay bilaa weeraryahan Alexis Sanchez – hogaanka ciyaarta kadib markii uu difaaca ka dhex baxay kubad uu ka helay Alex Iwobi shabaqana u daba mariyey goolwade, Asmir Begovic oo ku sigtay inuu bed-baadiyo.

Laakiin, Callum Wilson ayaa kubad uu gacanta ku dhig is yidhi gool ilaaliye Petr Cech inta uu ka hor laagay toos ugu shubay shabaqa Arsenal taas oo uu soo jebiyey Ryan Fraser.

Intaas kadib, Laacibka 25 jirka ahi wuxuu isu bedelay kubad soo sameeye, waxaanu dhulka u dhigay kubad uu soo qaloociyey Lewis Cook, fartana ka saaray saaxiibkii Ibe si uu goolka guusha ugu saxeexo kooxdiisa.

Eddie Howe kooxdiisu waxay ku naalootay guushii ugu horeysay taariikhda ee ay Premier League ku karbaashto Arsenal, waxaanay guushani u horseeday inay kor ugu ruqaansadaan kaalinta 13 aad ee liiska kala saraynta, iyagoo afar dhibcood ka sareeya diilinta ama xariiqda dhimashada.