Buffon Oo Kulankiisii Ugu Dambeeyey Ee Champions League Ku Baxay Kaadh Cas, Kana Fadhiisanaya Ciyaaraha

Goolhayaha Ruug caddaaga ah ee Gianluigi Buffon ayaa ciyaaraha kubadda cagta gaar ahaan tartanka Champions League ku  maca-salaameeyey kaadh cas oo garoonka lagaga saaray daqiiqaddii u dambaysay ee ciyaartii Real Madrid iyo Juventus.

Buffon ayaa markii la saaray ee uu garoonka kasii baxayey waxa u istaagay dhamaan intii garoonka fadhiday oo sacab u muuqday inay sagootiyayaan u tumayey illaa intii uu ka baxayey garoonka.

Inkasta oo ay sumcad xumo u tahay, haddana ruug caddaagan ayaan waligii ku guuleysanin tartanka Champions League, saddex jeer oo uu tegay finalkana waxay ku fashilmeen inay koobka u damaashaadaan.

Juventus ayaa ciyaar aad u wanaagsan kusoo bandhigtay garoonka Bernabeu, waxaanay gellin horeba la yimaaddeen saddex gool oo natiijada celceliska ah ka dhigay 3-3, hase yeeshee, rikoodhaha muranku ka dhashay ee sababay kaadhka cas ayaa waxa Madrid loo dhigay daqiiqaddii 92aad, kaddib markii kubbad madaxa uu kusoo celiyey Ronaldo uu goolka Juventus hortiisa ka helay Vazquez, hase yeeshee, Cheillini oo meel fog kasoo tiigsaday ayaa dhabarka kaga yimid, kaddibna taabtay. Garsoore Oliver ayaa qaatay go’aan ah in uu kaadh cas u taago Buffon.

Taariikh Kooban:

Buffon waxa uu ciyaaray 117 ciyaarood oo tartanka Champions League ah, waxaana uu shabaqiisa nadiif ka dhigay oo aan wax kubbad ah laga dhalinin 50 ciyaarood.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.