Mohamed Salah Oo Kaga Adkaaday Mane & Aubameyang Xiddiga Afrika

Weeraryahanka xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah ayaa loo doortay xiddiga qaaradda Afrika ee sannadka 2017 ee abaalmarinta xidhiidhka kubadda cagta Afrika.

Salah oo bishii hore loo caleemo saaray xiddiga BBC ee qaaradda Afrika, ayaa waxa uu kaga guuleystay abaalmarintan laacibiinta reer Senegal iyo Gabon ee Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad.

Salah ayaa loogu doortay xiddignimada Afrika, wacdarihii uu ka dhigay garoomada sannadkii tegay, markaas oo xulka qarankiisa Masar uu usuurtogeliyey inuu iska xaadiyo koobka adduunka ee badhtamaha sannadkan lagu qaban doono Ruushka, kaas oo ay ka maqnaayeen muddo aad u badan.

Dhinaca naadiyada, waxa uu xarfad ku dawakhiyey isla markaana goolal badan ka dhaliyey horyaalka waddanka Talyaaniga oo uu Roma u ciyaarayay, ka hor intii aanu ku biirin Liverpool oo uu u dhaliyey tiro badan.

60-kii kulan ee u dambeeyey ee uu u ciyaaray Roma iyo Liverpool, waxa uu dhaliyey 39 gool iyo 19 uu caawiye ka ahaa, waxaase dheer saamaynta aan la qiyaasi karin ee uu ku lahaa kooxahooda iyo siday difaacu ugu mashquulayeen.

Dhinaca kale, tababaraha xulka qaranka Masar, Hector Cuper ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta tababarihii ugu wanaagsanaa qaaradda Afrika sannadkii tegay.