Chelsea Iyo Arsenal Oo barbar dhac Gool La’aan Ah Ku Kala Baxay Kulan Qabow – Carabao Cup semi-final

Lugtii hore ama is araga koobaad ee semi finalka koobka Carabao Cup (EFL CUP – SEMI-FINAL – 1ST LEG), oo ku dhex martay kooxaha Chelsea iyo Arsenal geggida Stamford Bridge, ayaa ku dhamaatay barbar dhac gool la’aan ah.

Labada naadi ayaa barbar dhac 2-2 ah ku soo kala baxay ciyaartii horyaalka Premier League todobaad ka hor, laakiin ciyaartan ayaa ahayd mid ka xamaasad hooseysa taas, isla markaana labada dhinacba ay aad isaga ilaalinayeen inay galaan khalad kooxda ka soo horjeedaa ka faa’iidaysan karto.

 

Kadib qaybtii koobaad oo aan wax goolal ah la kala dhalinin, fursado la odhan karo waxaa loo filan karayay goolalna aan la isku qaadin, qaybtii dambe ayay Chelsea woxogaa dar dar ah la soo gashay garoonka laakiin weerarkoodii waxaa waxba kama jiraan ka dhigay difaaca Arsenal.

Kulankan garsooruhu isticmaalayay systemka dib u daawashada muuqaalka caawiya garsoorka ee VAR ka loo yaqaano, ayaa ahaa mid xamaasadiisu aanay sidaas u kululayn, waxaanay kooxuhu fursadaha u kala qaybsadeen labadii qaybood ee ciyaarta.

 

Tabobaraha naadiga Arsenal, Wenger oo ku jira labadii ciyaarood ee uu ganaaxa ku maqnaanayay, ayaa kulanka ka daawanayay qaybta saxaafada ama kuraasta saxaafada ee dusha sare.

Arsene Wenger qaybta uu garoonka ka fadhiyey ayaa waxaa ku hareeraysnaa, taageerayaasha naadiga Chelsea, kuwaas oo la maqlayay iyaga oo ku orinaya macalinka Gunners.

 

Natiijada ciyaarta ayaa ku xidhnaan doontaa, natiijada, kulanka laba todobaad kadib 24 ka January Arsenal martida loogu noqon doono ee is araga labaad garoonkooda Emirates Stadium.