Chelsea oo awoodeeda isugu geysay Hellista Pogba

Kooxda Chelsea ayaa samaysay isku daygii ugu weynaa ee ay ku doonayso ciyaaryahan khadka dhexe u buuxiyo , waxaanay sida la xaqiijiyey awoodeeda dul dhigtay siday ku helli lahayd xidiga khadka dhexe ee naadiga Juventus Paul Pogba.

Laacibkan qaranka France ayaa udub dhexaad u ahaa doonista kooxaha ugu tunka weyn yurub oo ay Ugu horeeyaan Real Madrid iyo Paris Sain-Germain, iyadoo sida la sheegay ay waliba sii awood badnayd kooxda haysata horyaalka Faransiisku.

Si kastaba ha ahaatee, naadiga reer London ayaa damacsan inay €49 million ee ay ka siiyeen David Luiz kooxda PSG ay u isticmaalaan oo waliba intaa inleeg ku daraan si ay u fuliyaan rabitaanka xidigan hore ugu soo ciyaaray Manchester United.

Juventus oo doonistay inay sii haysato laacibkan , ayaa la filayaa in lacagta xad dhaafka ah ee ay Chelsea ku doonayso ciyaaryahanku, ay hunguri galliso oo farahooda ka saarto xagaagan.