Chelsea oo Lumisay Fursad Qaali Ah iyo Wacdarihii Stamford Bridge ee Southampton

Kooxda Chelsea ayaa wali ka dhaqaaqi la’ guuldarooyinkii isdaba jooga ahaa ee gurigeeda ku qabsanayay ciyaarihii ugu dambeeyey, waxaanay mar kale lumisay fursad ay sideed dhibcood oo nadiif ah hogaanka horyaalka ku qaban lahayd, kadib markii ay Stamford Bridge ku qaawisay barbar dhac 1-1 ahna ku qabatay kooxda Southampton gallabta.

Chelsea oo 119 jirsanaysa Berri Isniinta, ayaa u halgamaysa inay ka soo kabato guuldaradii xooga badnayd iyo niyad jabkii ka soo gaadhay tartanka Champions League, oo ay todobaadkii tagay kooxda PSG ka soo reebtay, laakiin dhibicda ay ciyaartan Southampton ka heshay ayaa ka dhigaysa in tartankii horyaalku walli yahay mid furan.

Southampton ayaa qaybtii hore ahayd mid aad uga fiican the Blues oo ka weerar badan, halka Chelsea ay qaybtii dambe ka ahayd ta wanaagsan laakiin aanay u suurto gallin midna inay dhaliyaan wax ka badan min hal gool.

Ciyaaryahanada tababare Mourinho oo gooldhalinta ku horeeyey ayaa daqiiqadii 11 aad ee ciyaarta waxaa kubad madax ah u dhaliyey weeraryahanka Diego Costa, laakiin rigoodhe uu shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan Dusan Tadic ayaa sababtay in Chelsea dhibic kaliya kala hoyato ciyaartan garoonkeeda martida loogu ahaa.Mourinho Oo Indhuhu Soo Baxeen Kadib Qabashadii Chelsea 1 Mourinho Oo Indhuhu Soo Baxeen Kadib Qabashadii Chelsea 2 Mourinho Oo Indhuhu Soo Baxeen Kadib Qabashadii Chelsea 3 Mourinho Oo Indhuhu Soo Baxeen Kadib Qabashadii Chelsea 4