Ciyaaryahan Benjamin Mendy Oo Ku Dhaw In Uu Garoomada Dib Ugu Soo Laabto

Difaaca kooxda kubada cagta ee Manchester City Benjamin Mendy ayaa ku haminaya in uu soo galo safka koowaad ee kooxdiisa,maadaama uu ku guda jiro soo kabashada ugu danbeysay ee dhaawiciisa jilibka aha.

Ciyaaryahankan ka ciyaara danbeedka ayaa  garoomafa dhaawac uga maqnaa todobadii bilood ee la soo dhaafay waxaana uu dhaawac ka qabaa jilibka, laakiin markan ayuu rajeynayaa in uu garoomada dib ugu soo laaban doono.

Benjamin Mendy ayaa maalinkii Jimcada ee la soo dhaafay waxa uu ka soo muuqday kulan ay wada ciyaareen xidigaha ka yar 23-ka sano ee kooxaha Manchester United iyo Manchester Cty,waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhaawacmay lagu arkay garoomada.

Xidigii hore ee Monaco ayaa qoraal kaftan ah ku soo daabacay barta Twitter-ka  uu ku leeyahay, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in amaahdiisa dhaawaca gabi ahan ay soo idlaatay,waxaana qoraalkiisa wehliyay sawir isagoo ka qeyb galay kulanka ciyaartooyda 23-ka sano ka yar ee Manchester City.

Ugu danbeyn Mendy ayaa shan ciyaarood oo kaliya ka soo muuqday Man City ka hor intii uusan dhaawac musiibo xidigaasi ku noqday uusan ka soo gaarin naadiga Crystal Palac ee horyaalka England.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.