Ciyaaryahan Lucas Digne Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa tababarka dib ugu soo laabatay subixii Arbacada, kadib markii ay macsalaameysay tartanka horyaalada yurub ee Champions League.

Ciyaartooyda Barcelona ayaa isku dayaya in ay hilmaamaan qasaaraha yurub ka soo gaaray, waxaana ay diirada saarayaan kulanka Sabtida ee Valencia markaa oo rikoor aan horay loo dhigin ay jabin karaan.

Lucas Digne ayaa tababarka dib ugu soo laabtay tababarka Bluagrana kaa oo ku dhaawacmay ciyaaraha caalamiga ah, halka tababarka maanta laga waayay Ivan Rakitic oo dhaawac fudud uu soo gaaray kulankii Rome.

Sidoo kale xarunta tababarka Barcelona ee Tito Vilanova ayaa waxaa maanta ka soo muuqday ciyaartooy ka ciyaara khadka dhexe oo ka tirsan kooxda labaad ee Barcelona oo kala ah Carles Aleña iyo Riqui Puig.

Barcelona ayaa habeenkii Talaadada isaga soo hartay Champions League, kadib markii habeen aan qurux badneyn ay ku soo qaateen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.