Drogba Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro Juventus

Didier-Drogba-Ciyaaryahanka weyn ee reer Ivery Coast , Didier Drogba ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda horyaalka Talyaaniga haysata ee Juventus xagaagan.

Drogba ayaa ka tagi doona kooxda uu weeraryahanka u yahay ee Turkiga ah ee Galatasaray marka la gaadho bisha June ee sanadkan, wakhtigaas oo uu dhamaanayo heshiiskii uu kula joogay kooxda Turkiga ah.

Wakiilka ciyaaryahanka ayaa la xaqiijiyey inuu xidhiidh la sameeyey maamulka iibka ee kooxda Juventus , iyagoo ka wada xaajooday suuro-galnimada heshiis dhex mara labada dhinac.

Sida wararku sheegayaana , waxa kaliya ee aan laga heshiin ayaa lagu tilmaamay inay tahay qiimaha lacagta iyo mushaharka ay kooxda Talyaaniga ahi siin doonto weeraryahankan hore ugu soo ciyaaray kooxda Chelsea.

Sida ay qortay majalada Tuttosport , Todobaadyada soo socda ayaa la eegayaa inuu soo afjarmo khilaafaadka dhinaca dhaqaalaha ee wali uu u xaniban yahay qalin saarida heshiiska uu Drogba ugu wareegayo Turin.