Courtois Oo Chelsea ku Guntaday Habeen Mourinho Cashar Faransiis Loo Dhigay – Sawiro

Jose Mourinho ayaa wax badan ka korodhsaday Paris, maaha ciyaartii xallay ee runtii sanad ka hor , markii Halkaas loogu dhiibay 3-1 , wakhtigaas oo uu goolka ku jiray Petr Cech, laakiin habeenkan, Thibaut Courtois, oo ka bedelay Cech goolwadaha koobaad ayaa ku guntaday oo Chelsea u saamaxay inay barbar dhac 1-1 ah kala Timaado France.
Gool uu u dhaliyey Branislav Ivanovic ayay Chelsea ku qabatay hogaanka , habeen laga gacan sareeyey, laakiin PSG ayaa waxay goolka Barbar dhaca ah la timid kadib dedaal badan oo uu sameeyey weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani.
Paris S Germen iyo Chelseana waxay ku kala baxeen 1-1 is aragii hore ee wareega 16 ka horyaalka Champions Leagu.