Cricket World Cup 2015: South Africa Oo Karbaashtay Ireland

South Africa ayaa si xun dhulka ula dhacday xulka Ireland kulankii ugu horeeyey ee laga badiyo ciyaaraha koobka aduunka ee Cricket-ka sanadkan socda, kagana badisay 201 orod oo ay dhamaystireen ciyaar ku dhex martay labada qaran magaalada Canberra ee wadanka Australia.Koobka aduunka ee Cricket ka
Hashim Amla ayaa ayaa ushiisa ku hirdiyey 159 jeer, Faf du Plessis 109 iyo Rilee Rossouw oo dhamaystiray 61 goor ayay xulka South Africa guushu ku raacday 411-4, markii labaad laba ciyaarood oo ay yeesheen hormada Pool B oo ay ku heleen 400 oo dhibcood.Koobka aduunka ee Cricket ka 3
Ireland ayaa ku guuldaraysatay 48-5 iyagoo gosha loo gelliyey 210 dhibcood 45 tuuryo oo laga hellay.Koobka aduunka ee Cricket ka 2
Xulka South Africa ayaa u baahan hal guul ah oo ay ka hellaan labada ciyaarood ee uga hadhsan ciyaaraha Groups ka, oo ay la kala ciyaari doonaan xulalka Pakistan iyo the United Arab Emirates, si ay ugu gudbaan Quarter Finalka koobka Aduunka ee 2015 ka ee tartanka Cricket ka oo ay sanadkan wadajir u marti galliyeen wadamada Australia iyo New Zealand.Koobka aduunka ee Cricket ka 1