Eeg Liiska Tababarayaasha Soo gaadhay Kulamada ugu Badan Semi-finalka Champion League

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa noqon doona tababaraha kaliya ee soo gaadha kulamada ugu badan sami-final-ka ama afar dhamaadka Champion League isagoo jabin doona rikoodhka macallinkii hore ee Man United Sir Alex Ferguson.

Jose Mourinho ayaa soo gaadhay sami-final-ka Champion League 7-jeer waxa ayna u noqon doontaa 8-jeer kulanka ay salaasadda  la yeelan doonaan naadiga Ateltico Madrid isagoo ka sara mari doona Ferguson oo 7-jeer is keenay afar dhamaadka CL.

Jose ayaa sami-final-kii ugu horreeyay la soo gaadhay naadiga FC Porto oo uu la qaaday koobkan, wuxuu dabadeed u soo dhaqaaqay Chelsea uu uu soo gaadhsiiyay Sami-final 3-jeer, labo jeer oo hore iyo markan uu dib ugu soo laabtay.

Intaa kaddib ayuu u soo dhaqaaqay Inter Milan uu la qaaday Champion League, dabadeedna Real Madrid ayuu u tagay oo saddex sano oo xidhiidh ah uu soo gaadhsiinayay sami-final-ka.

Haddaba eeg liiska macallimiinta soo gaadhay  kulamadii ugu badnaa afar dhamaadka CL oo uu hogaaminayo Jose Mourinho.

 

Jose Mourinho (Chelsea)

Alex Ferguson (Manchester Utd)

Marcello Lippi (Juventus )

Miguel Munoz (Real Madrid )

Louis van Gaal (Ajax , Barca , Bayern )

Pep Guardiola (Barcelona , Bayern )