El Clasico – Xogo Badan Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Ciyaarta Madrid Vs Barca

Ka Hor kulanka Caawa ku dhex mari doona garoonka Santiago Bernabeu , labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa , xog badan oo aad u baahan tahay inaad sii ogaado ka hor inta aadan gudo gallin daawashada ciyaarta.

Hadaba , waatan xogta aad u baahan tahay inaad sii ogaato ka hor ciyaarta El-Clasico.


Real Madrid Vs Barcelona

 Akhriste . Ma Ogtahay Mase La socotaa In .?

 –     Labada kooxood ee ugu gooldhalinta badan horyaalka Spanishka xili ciyaareedkani , ay fooda is darayaan …. Real Madrid (77) iyo Barça (81).
–     Garsooraha dhex-dhexaadinaya Kulanka oo ah Undiano Mallenco, aanu wali bixinin kaadhka casaanka ah ( Red Card ).
–     Barça inay dhalisay 81 gool, lagana dhaliyey 22, halka Real Madrid ay shabaqa taab siisay 77 lagana dhaliyey 26 gool.
–     In Ku Dhawaad Rubuc (19 gool ) kamid ah goolasha Barcelona dhalisay , ay yimaadeen ama la dhaliyey qaybtii hore ee ciyaarta. Halka In ka badan afar meelood ( 20 gool ) oo kamid ah goolasha Real Madrid Dhalisay ay dhasheen 15 kii daqiiqo ee ugu dambeeyey kulamadaas.
–     Ciyaartan ay ka dhex muuqan doonaan labada ciyaaryahan ee ugu badnaa ee kubado ay dhigeen gool noqdeen horyaalka Spain. Midka Real Madrid u ciyaara oo ah , Bale (11 ) halka laacibka Barcelona ee Cesc Febregas uu dhiibay ( 12 kubadood ).
–     Barça ay tahay kooxda ugu saraysa horyaalka Spanishka ee celceliska baaska ay bixiyeen ee fulay ama halkii loogu tallo gallay u gudbay , waxay dhiibeen 18,502 baas, 88.6% ka mid ahi wey dhamaystirmeen.   Real Madrid oo ah kooxda ku xigta , oo bixiyey 14,921, kubadood,  85.7% kamid ah ayaa dhamaystirmay.
–     In Horyaalka Spain labada ciyaaryahan ee loogu xanaaqad samaynta badan yahay ay ka tirsan yihiin labadan naadi … Neymar Jr oo Barca ah waxa lagu gallay (61) khalad, halka xidiga aduunka ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo lagu gallay (49) khalad.