France vs Brazil: Ciyaarta caawa iyo xusuusta wacdarihii 1998 – Video

Caawa marka ay saacadda bariga afrika tahay 11:00 waxa magaalada Paris isku haleeli doona labada xul ee FRANCE V BRAZIL, taas oo daawashadeeda looga ciyaar garoobayo meelo badan oo dunida ah.

Labadan xul ayaa lagu xasuustaa sannadkii 1998kii ciyaartii uu Zidane madaxa ku dawakhiyey ciyaartooyada Brazil taas oo uu dalkiisa ugu horseeday in ay ku guuleystaan koobkii adduunka ee sannadkaas oo lagu qabtay France, iyadoo ay garoonka ka baxeen xiddigihii uu hor-kacayay Ronaldo oo calool xumo dalkoodii kula noqday.

Sannadkii 2006 ayay mar kale Koobkii adduunka isku haleeleen labadan xul, waxaana mar kale hawada loo diray Brazil oo tartanka laga saaray.

Haddaba, shabakadda www.cadalool.com waxa farxad u ah in caawa aad ka daawan doonto ciyaartaas oo si toos ah aad ula socon karto.

Dib-u-daawo wacdarihii 1998