Funaaanada Bale U Xidhan Doono Chelsea Sanadka Dambe Oo Suuqa Soo Gashay

Website Brazil Laga Leeyahay Oo ah shabakadaha sida tooska ah (online ka) ah u iibiya dirayska iyo agabka ciyaaraha ayaa suuqa soo dhigay Funaanad Uu Ku Sheegay Inay Tahay Mida Gareth Bale u Xidhan Doono Chelsea Sanadka Dambe numberka 9 na dhabarka Kaga Xardhan Yahay.
Website-kan ayaa baahiyey saddex nooc oo funaanada Chelsea ah kuwaas oo ay wajahada kaga qaran tahay astaanta iyo magaca shirkada ay dhawaan heshiiska xayaysiis la galleen ee ‘Yokohama’ , waxaana ka maqan calaamada Adidas, oo ah shirkada farsamaysa agabka naadigaasi.Bale number 9 for Chelsea new Kit
Laakiin, waxaas oo dhami maaha arimaha xiisaha leh ee ku duugan agabka shabakadu iibinayso, waxaana soo jiitay taageerayaasha The Blues inay arkaan funaanad lumberka sagaalaad dhabarka kaga xardhan tahay oo magacana ‘Bale’ ku yaalo.Bale number 9 for Chelsea new Kit brazil website

Bale ayaa la kacaa kufaya oo dhibaato ku haysataa joogitaanka kooxda Real Madrid, iyadoo ay taageerayaasha iyo warbaahinta wadanka Spanish kuna dusha ka saarayaan eeda ah inuu yahay shaqsiga ka masuulka ahaa in naadiga tababare Ancelotti si fudud loogala wareego hogaanka horyaalka La Liga oo ay imika gacanta ku hayso Barcelona.

Warar laga helayo labada wadanba ee England iyo Spain ayaa la xidhiidhinaya xidiga qaranka Wales inuu dib ugu soo noqonayo horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League.