Gareth Bale Oo La Xaqiijiyey In Uu Dhaawac Ku Maqnaan Doono Ciyaarta Atletico Madrid

bALESida ay qortay jariidada Marca ee ka soo baxda dalka Spain, weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Champions League ee ay Arbacada wada ciyaari doonaan Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Wargeyska Marca oo aad ugu dhuun daloola xaaladda Real Madrid, inta badanna baahiya wararka kooxdaas, ayaa waxa uu sheegay in ay hubaal tahay in Bale aanu awoodi doonin in uu kooxdiisa u ciyaaro lugta labaad ee Champions League ee ay Real garoonkeeda ku martigelin doonto Atletico Arbacada toddobaadkan, kadib markii uu muruqa hoose ee lugta bidix uu ka dareemay xanuun badan, kaas oo u diiday in uu ciyaarta sii wato.

Bale ayaa laga saaray garoonka daqiiqaddii 5aad ee bilowga ciyaartii xalay dhex martay Real Madrid iyo Malaga, taas oo sidoo kale uu ku dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric oo lix toddobaad garoomada ka maqnaan doona.