Booliiska ayaa baaraaya fariimo hanjabaad dil ah oo loo soo diray marwada garsooraha Premier League ka howl gala ee Michael Oliver.
Garsoore Oliver ayaa gool ku laad gudoonsiiyay Real Madrid kulankii lugta labaad ee ka dhacay Bernabue waxaana go’aankaasi aad ugu weeraray kabtan Buffon iyo warbaahinta Talyaaniga.
BBC Sport ayaa fahanhsan in Lucy oo ah marwada Michael Oliver dhanka kalana qabata ciyaaraha Women Super League ayaa fariimo isugu jira aflagaado iyo hanjabaad loogu soo diray taleefankeeda gacanta.
Saraakiisha booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaan ku hayaan taleefakii fariinta laga soo diray iyo cinwaado Twitter-ka lagu isticmaalayo oo iyagua beegsaday cinwaanka marwada Michael Oliver
Michael Oliver ayaa dhibaato dhexda uga jira maadaama qudhiisa loogu hanjabay in la toogan doono hadii uu lug soo galiyo ciida Talyaaniga.
Be the first to comment