Garsoorihii Hayay Ciyaartii Tuuniisiya Kaga Hadhay Koobka Afrika Oo Lix Bilood Ciyaaraha Laga Mamnuucay

Garsoore ka tirsan siidhiwade-yaasha dhex-dhexaadinaya ciyaaraha qaramada qaarada Afrika ayaa laga ganaaxay 6 bilood ciyaaraha kadib markii loo arkay mid qaabkiisa dhex-dhexaadineed uu faqiir yahay ama daciifnimo ku jirto.
Rajindraparsad Seechurn ayaa u dhigay xulka Equatorial Guinea rigoodhe muran badan dhaliyey wakhti daayacii ciyaar ay kaga badiyeen qaranka Tunisia 2-1 rubuc dhamaadka ciyaaraha Afrika.
Masuuliyiinta iyo ciyaaryahanadii xulka Tunisia ayaa khaladkaas dartiisu gacan qaaday siidhiwadaha taas oo sababtay in xidhiidhka wadankaasina la dul saaro ciqaab lacageed oo dhan $50,000 (konton kun oo Dollar).
“Gudiga garsoorayaashu waxay hoosta ka xariiqeen dhex-dhexaadinta liidatay ee garsooraha,” ayuu yidhi Af-hayeen u hadlay xidhiidhka kubada cagta qaarada Afrika.
Caf waxay intaas ku dareen in waxyaabaha uu garsoorahani ku guuldaraystay ay kamid ahayd “Maaraynta xummo aan sina loo aqbali karin oo uu ku fashilmay inuu dejiyo xaaladana caadi ku soo celiyo hubiyana in ciyaaryahadu deggeni ciyaarayaan intii kulanku socday oo dhan”.
Caf waxay sidoo kale ka dalbatay xidhiidhka Tunisia inay raali gallin ka soo bixiyaan eedaymohoodii ay ku eedeeyeen wax isdaba marinta.
Dowlada Tunisiana waxay ku amreen inay iska soo magdhawdo , burburka ku yimid Albaab iyo Talaagadii ciyaaryahanada ee qolka labiska garoonka Bata Stadium.

Xusuusta Maalintii CiyaartaRabshado Hadheeyey Ciyaartii Tunisia iyo Equatorial Guinea
Garsooraha u dhashay wadanka Mauritian ee Seechurn ayaa ku abaal mariyey Rigoodhe daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray markii ay dhamaadeen 90 kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tallo galley kadib markii ciyaaryahan Ali Maaloul lagu xukumay inuu xanaaqad ku sameeyey Ivan Bolado diilinta ganaaxa dhexdeeda, markaas oo xulka Tuunis ciyaarta ku hogaaminayeen 1-0 , Markii uu laadkii rigoodhaha ciyaarta Bar-bar dhac kaga dhigay Javier Balboa, xulkii loo martida ahaa ee Equatorial Guinea waxay gool labaad la yimaadeen soddonkii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray , sidaas ayaanay Tunisia tartanka kaga hadhay.
Dagaal iyo rabshad ayaa halkii ka bilaabatay ilaa aakhirkii ay ciidamada Amaanku garsoorihii la baxsadeen, fawdadiina taageerayaashii garoonka buux dhaafiyey qayb ka noqdeen.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Tunisia , Wadie Jary isagoo ka cadhaysan ciyaartaas wuxuu isla markiiba iska casilay xubinimadii xidhiidhka kubada cagta Afrika, waxaana lagu eedeeyey sidii uu u dhaqmay markii ciyaartu dhamaatay isagoo garoonka ugu dhex tagey garsoore Seechurn oo weerar qaawan ku qaaday, iyo sidoo kale cambaareyntii uu garsoorka iyo xidhiidhka Afrikaba ku cambaareeyey dhacdadaasi.

Garsoore Seechurn waxaa sidoo kale laga saaray liiska Garsoorayaasha xulka ah ee xidhiidhka kubada cagta qaarada Afrika ee Caf.
Sida ay CAF sheegtay, waxaa laba warqadood loo diray Xidhiidhka Tunisia oo la xidhiidha ciyaartaas, iyadoo ta labaad lagaga dalbaday inay baadhitaan ku sameeyaan sidii wax u dhaceen, iyadoo lagu adkeeyey in CAF iyo garooskeeduba ” Hadal la’aan ay dacwad u qabaan guud ahaan Tuuniisiya”.
Ilaa inta xidhiidhka kubada cagta Tunisia ka keenayaan ‘cadaymo dhamaystiran laguna qanci karo oo cabashadoodii la xidhiidha’ haddii kale ay qoraal raali gallin ah soo diraan wakhti kaga eg saqda dhexe ee habeenka 5 ta February oo haddii ay keeni waayaana xulkooda laga reebi doono koobka Afrika ee sanada 2017.
Equatorial Guinea ayaa lagu ganaaxay inay bixiyaan $5,000 (shan kun oo dollar) Amaankii liitay ee garoonka dartii.