Guardiola Oo Rikoodh Cusub U Dhigay Abaalmarinta Tababaraha Sannadka

Tababaraha Manchester City ayaa markii afraad oo xidhiidh ah loo doortay macallinka bisha ee waddanka Ingiriiska kaddib markii uu bandhig ciyaareed cajiib ah iyo guulo ku cusub horyaalka ku hoggaamiyey Manchester City.

46 jirkan ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta macallinka bisha December, taas oo ka dhalatya lix guulood oo xidhiidh ah iyo hal barbar dhac oo Man City ay gashay, waxaana uu sidaas kaga sare maray macallinka Chelsea, Antonio Conte oo sannadkii 2016 saddex jeer oo xidhiidh ah ku guulaystay tababaraha sannadka.

Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa isaguna noqday ciyaartoyga bisha waxaana uu la sinmay laacibkii Liverpool ee Steven Gerrard oo ahaan jiray ciyaartoyga ugu badan abaalmarinta billaha ah dalka Ingiriiska, kaas oo haysta lix jeer.

Kane oo ay da’diisu tahay 24 jir, waxa uu bishii December dhaliyey siddeed gool oo laba jeer uu min saddex gool saxeexay, taas oo kooxdiisa ka caawisay inay afar kulan guulaysato, laba kalena barbar dhac gasho, halka kulankii Manchester City laga badiyey.