Guttuso Oo ka sheekeeyey waayihiisii Milan, Xili uu ku Taamayo inuu layliyo

Laacibkii hore ee AC Milan “Gennaro Gattuso” oo wareysi siiyay wargeyska Sky Sport, ayaa ka sheekeeyay noloshiisa iyo kooxda Milan, isagoo tilmaamay in maalin uu ku noqon doono naadiga Milan.

Gennaro ayaa yidhi” Waxaan rumeysanahay inaan Milan ku laaban doono maalin maalmaha ka mida anigoo  tababare ah , maxaa yeelay? Milan waa gurigeyga welina waxaan u ahay taageero weyn.

Waxaa kale uu ka hadlay Seedorf iyo kooxda Milan,  isagoo yidhi “Seedorf wax dhiba ma heysto, laakiin waxaa lama huraana in Milan u soo baxdo tartanka Europa League”.
Waxaa xusid mudan in Gennaro Gattuso soo maray labo tijaabo oo dhanka tababarka ah, waxa uu hada rajeynayaa in maalin uu qabto kooxda AC Milan.