Harry Kane Oo Si Aan Caadi Ahayn Looga Maadeystay Baraha Bulshada

Weeraryahanka kooxda kubada cagta ee Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa looga maadeysanayaa baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka, tan iyo markii la gudoonsiiyay gool uusan si cad u dhalin.

Qoraaladii ugu cajiibsanaa ee Twitter-ka waxaa ku jiray in Kane loo diwaan galiyay goolkii Diego Maradona sanadkii 1986-dii uu ka dhaliyay koobka aduunka sida ka muuqata sawirka kore.

Harry Kane ayaa u tartamaya abaal marinta gool dhalinta horyaalka Premier League, waxaana uu dagaal culus kala kulmayaa laacibka muslimka ah ee Mohamed Salah oo 30 gool xili ciyaareedkan horyaalka England ka dhaliyay.

Salah ayaa kulankii xalay kooxdiisa la qaadatay Bournemouth shabaqa taabtay, waxaana goolkaasi uu ahaa kiisii 30-aad ee xili ciyaareedkan, halka gool dhaliyaha England uu 25 gool dhaliyay.

Ciyaaryahanka Salah ay Liverpool kawada tirsanyihiin ee James  Milner ayaa kadib kulankii kooxdiisa ka adkaatay Bournemouth qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka isagoo kaftamaya ku codsaday in sadex gool oo dheeri ah la gudoonsiiyo laacibka Liverpool.

Qoraalada kale ee aadka loola yaabay waxaa qeyb ka ahaa sawirka kore oo u dhigan “arka aad gool dhalin rabto,laakiin aad dooneyso in aad iska hubiso in Kane uu soo dhawyahay” !

Cinwaawo badan oo Twitter-ka lagu isticmaalo ayaa weerar ku qaaday Harry Kane waxaana taasi ay ka danbeysay markii Kane la gudoonsiiyay gool uu dhinaca ka soo qaaday Christian Eriksen.

Laacibka Tottenham ayaa qiray in uu taabtay kubada uu soo qaaday Eriksen, kooxdiisa ayaa FA-ga ka codsatay in goolkaasi la siiyo Kane ugu danbeyna xidiga England ayaa goolkaasi xisaabta loogu daray.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.