Hazard Oo Digniin U Diray Barcelona iyo PSG

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea, Edin Hazard ayaa digniin u diray kooxaha iskugu soo hadhay wareegga 16-ka ee tartanka Champions League kaddib markii ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga soo baxday Group C.

Hazard oo saxaafadda la hadlay markii ay dhamaatay ciyaartii barbar-dhaca ay la galeen Atletico Madrid, ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu aanay cidna ka baqanaynin.

“Dhibaato ma laha ciddii aanu kubeegano, waayo waxaanu nahay Chelsea.” Sidaas ayuu yidhi Hazard.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waanu naqaanaa PSG iyo Barcelona oo aad bay u wanaagsan yihiin, laakiin waxaanu nahay koox sarreysa sidooda oo kale. Wax walba waanu samayn karnaa.”

Chelsea ayaa ciyaartii ay martigelisay Ateltico Madrid muujisay inay leedahay awood sarraysa, waxaanay ku kala baxeen barbar dhac 1-1, laakiin marka la eego qaabka ay kubadda u ciyaaraysay, Chelsea waxay leedahay awood ay kula gorgortanto kooxaha awoodda badan sida Barcelona, PSG iyo Real Madrid.