Henry Oo Ku Dhalleeceeyey Chicharito In Aanu U Mahad-naqin Ronaldo

Ruug caddaagii Arsenal iyo xulka faransiiska ee Thierry Henry ayaa weerar afka ah ku qaaday wiilka dahabka u noqday Real Madrid xalay ee goolka ay kaga badisay Atletico Madrid u saxeexay.

Henry oo ka tirsan weriyeyaasha ciyaaraha faalleeya ee Sky Sports, ayaa waxa uu telefishanka isaga oo ka hadlaya uu dhalleeceeyey Chicharito oo uu sheegay in markii uu goolka dhaliyey aanu u mahad celinin Ronaldo oo ka soo shaqeeyey kubaddii uu shabaqa ku hubsaday.

“Anigu ma garan karo sida uu noqon doono mustaqbalkiisa halkaasi, waxaanse ogahay in aanu in badan ciyaarin. Caawa (xalay) waxa uu helay fursad, cid ogaan karta in uu ciyaaraha dambe ciyaari doonaana ma jirto.” Sidaas ayuu yidhi Henry.

 Henry waxa uu xushay in markii uu goolka dhaliyey Chicharito laga doonayey in uu u cararo dhinaca Ronaldo oo uu la dabbaal-dego halkii uu kalidii iska cararay ee uu dabbaal-degay.

“Intii aanu goolkaas dhalinin fursado kale ayuu helay, markii uu goolka dhaliyeyna waxay ahayd in uu u mahad celiyo Ronaldo. Kalidii ayuu iska dabbaal-degay, uma mahad celinin Ronaldo.” Ayuu raaciyey.

Henry waxa uu ku adkaystay in goolkaas uu iska lahaa weeraryahanka Cristiano Ronaldo oo kubadda ka soo shaqeeyey ka hor intii aanu u dhigin Chicharitto, waxaanu yidhi: “Goolkaas waxaa iska leh Ronaldo, manaan jeclaysanin dabbaal-degga ciyaartoygaas, waayo wuxuu u dabbaal-degay sidi uu koob adduun ku guuleystay oo kale.”