Hoeness Oo Daawade Ka Ahaa Kulankii Munich Iyo Arsenal

Gudoomiyaha Bayern Munich

Uli Hoeness ayaa maankiisa ka saaray dacwada xaga cashuuraha ah ee ku socota habeenkii xallay ahaa , iskana soo xaadiriyey kulankii Bayern Munich ku reebtay Arsenal ee xallay ka dhacay Garoonka Aliez Arena.

Madaxweynaha Naadiga Munich, Uli Hoeness oo aan laga fillaynin inuu ciyaar daawashadeeda u yimaado , ayaa xallay la arkay markaliya isagoo dhex fadhiya Garoona Arena , iyadoo ay tahay laba cisho uun ka dib markii maxkamadi ku furtay dacwad la xidhiidh lacag cashuureed uu musuq maasuqay oo dhan €18.5 million.

Afhayeenka Naadiga Bayern , Markus Horwick oo ciyaarta kadib warbaahinta la hadlay , ayaa sheegay in gudoomiyuhu uu ka nasanayay mushkilada dacwadan , daawashada ciyaartana uu isku ilowsiinayay.