‘Illaa Kulanka U Dambeeya Waanu Dagaallami Doonaa’ – Ancelotti

Tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa dareen farxadeed ku soo dhoweeyey guushii ay kooxdiisa ka gaadhay Celta Vigo oo ciyaar adag xalay ku qaabishay, taas oo ku dhamaatay 2-4 ay ku badisay Real Madrid, hase ahaatee culays badan la saaray.

Chicharito, Kroos iyo James ayaa shimbir u noqday Real Madrid, waxaanay kala qaybsadeen afartaas gool.

Ancelotti oo natiijada ciyaartan ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Si fiican ayaanu u ciyaarnay, in halkan aanu ku badinnaa waxay caddayn u tahay in aanu si fiican u ciyaarnay.” Ayuu yidhi Ancelotti.

Macallinkan khabiirka ahi waxa uu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay sidii ay kooxdiisu u ciyaartay, walina ay ku jiraan tartanka horyaalka oo ay kula hirdamayaan Barcelona.

“Marka aanu ciyaar walba badinno, iyagana (Barca) waxay ku khasban yihiin inay ciyaar walba badiyaan, wakhtiganna annaga ayaa is qiimaynayna waxaananu ka shaqaynaynaa in aanu si fiican u ciyaarno.” Ayuu yidhi.

“Illaa ciyaarta u dambaysa, waxaanu ku dagaallami doonaa horyaalka, ujeedadayaduna waa sidaas.” Ayuu raaciyey.