Inter Milan iyo Napoli oo is mari waayey iyo Higuain oo dhaawac soo gaadhay

Kooxda Napoli ayaa sheegtay in uu dhaawac soo gaadhay ciyaartoygeeda Gonzalo Higuain kaas oo seegi doona kulamada ka hadhay horyaalka Talyaaniga,
Higuain waxaa uu ku dhaawacmay ciyaar habeenkii xalay dhex martay Inter milan iyo Napoli taas oo ku dhamaatay gool la,aan. Dhaawacan soo gaadhay Higuain ayaa kooxda Napoli sheegtay in la qiimeyn doona maalmaha soo socda inta uu dhaawacu le,egyahay iyo waliba mudada uu ka maqnaan doono garoomada