Inter Milan Oo £50m Dul Dhigtay Weeraryahan Torres

Agaasimaha guud ee naadiga Inter Milan Marco Fassone ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay si weyn u danaynayso heshiis ay la gasho laacibka weerarka uga ciyaara naadiga Chelsea ee Fernando Torres.

Torres ayaa indhawaydba la hadal hayay inuu ka dhaqaajinayo kooxda Chelsea, wallow heshiiska uu ku jooga Stamford Bridge uu ka hadhsan yahay Laba Sanno.

Naadiga Inter oo doonaysa inay xoojiso khadkeeda weerarka xili ciyaareedka dambe ayaa diirada koobaad uu u saaran yahay weeraryahankan 30 jirka ahi.

‘Waxaanu heshiis la saxeexan doonaa Torres?’ ayuu Agaasime Fassone ku sheegay waraysi uu siiyey shabakada Naadiga ee www.inter.it.