Inter Milan oo Heshiis La Gashay Laacibka Barcelona Ee Rafinha

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Rafinha ayaa heshiis la galay Inter Milan, sida ay shaacisay warbaahinta Calciomercato.com.

Rafinha aabbihii ooo lagu magacaabo Mazinho ayaa shalay la kulmay madaxda Barcelona, waxaana uu u sheegay in wiilkiisu uu ka tegayo, isla markaana ay tahay inay dhamaystiraan waxyaabaha dhinacooda ku xidhan.

Ciyaartoyga ayaa go’aansaday in la fasaxo, waxaana uu kooxdiisa Barcelona ku cadaadinayaa inay ogolaadaan in uu tago Inter Milan oo uu u arko kooxda ugu habboon ee xirfaddiisu kusoo baxayso, taas oo khasab kaga dhigtay naadiyga hoggaaminaya horyaalka Spain inay ogolaadaan lacag dhan 20 milyan oo Euro oo Inter Milan ay hore ugu soo bandhigtay hase yeeshee ay Barca diidday.

Mazinho oo sidoo kale ah wakiilka Rafinha, waxa laga soo xigtay inuu sheegay in saacadaha soo socda uu dhamaan doono heshiis shakhsi ah oo wiilkiisu uu la gelayo Inter Milan, taas oo ka saaraysa sannado badan oo boos la’aan uu ku ahaa Barcelona.