Ivanovic Oo Qoorta Wax Lagaga Dhuftay Ciyaartii QPR iyo Chelsea

Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Branislav Ivanovic ayaa dhabar xagiisa sarre ee qoorta lagaga dhuftay walax ay soo tuureen taageerayaasha naadiga Queens Park Rangers intii ay socotay ciyaartii Axadii horyaalka Premier League ee ka dhacday geggida Loftus Road, oo ay guushu 1-0 ku raacday kooxda tababare Jose Mourinho.Chelsea iyo Qpr oo La Is Shiiday

Walxo caagado iyo quraarado u badan ayaa garoonka dhexdiisa ku soo dhacayay intii ay ciyaaryahanada Chelsea ku jireen damaashaadka gool uu dhamaadkii ciyaarta shabaqa ku hubsaday laacib Cesc Fabregas kaas oo ahaa kii guusha keenay kulankan Derbiga Galbeedka London ahaa.

Ivanovic ayaa la arkayay isagoo is qabanaya dhabarka iyo qoorta markii waxan lagu soo tuuray qabsaday, taas oo muujinaysay in caagad biyood wax u muuqaal ekki dhabarka kaga dhacay ciyaaryahanka, iyadoo ay warar kalena sheegeen in Nemanja Matic isaga sidoo kale lagu dhuftay walax la soo tuuray.

Chelsea ayaa todoba dhibcood oo nadiif ah iyo ciyaar baaqi ah ku haysa hogaanka horyaalka Premier League oo ay todoba ciyaarood uuni uga dhiman yihiin.