Ivory Coast Oo Ciyaaryahanadii Xulka Mid Kasta Gurri Dhisan iyo Lacag Naqad Ah Ku Abaal Marinaysa

Xukuumada wadanka Ivory Coast ayaa ku dhawaaqday oo meel marisay abaal marin qiimo badan oo loogu abaal gudayo xidigihii xulkeeda ee guusha weyn ka soo hooyey tartankii qaramada qaarada Afrika.

Dowlada ayaa sheegtay in ciyaaryahan kasta oo xulka ka tirsan la siinayo abaal marin qiimeheedu dhan yahay malaayiin dollar.
soo dhaweyntii xulka Ivory Coast 3Madaxweynaha wadanka Ivoriay Coast, Mr Alassane Ouattara ayaa siinaya mid kasta 23 kii ciyaaryahan ee xulku ka koobnaa gurri qiimihiisu yahay $52,000 (£34,000) iyo cadad lacageed oo intaas in leeg ah oo naqad loogu dhiibayo, xukuumada ayaa warkaas shaaca ka qaaday.