James Rodriguez Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Zinedine Zidane

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee James Rodriguez ayaa weerar afka ah ku qaaday macallinkiisii hore ee Zinedine Zidane, kaas oo uu ku tilmaamay inuu garan waayey qaabkii uu uga faa’iidaysan lahaa.

Laacibkan heerka caalami ee reer Colombia oo Bayern Munich ay amaah kaga qaadatay Real Madrid, ayaa waxa uu sheegay in wakhtigii uu joogay Real Madrid ee uu macallinka u ahaa Zidane uu iska dhex waayey qorshaha tababaraha, taasina keentay in ay hoos u dhacdo ciyaartiisu.

“Tababare kastaa waxa uu leeyahay nidaamkiisa, waana in aan ixtiraamo qorsheyaashii Zidane, laakiin kumaan jirin qorshihiisa, xattaa haddii aan dhaliyo goolal ama caawiyo.” Sidaas ayuu yidhi James.

Dhinaca kale kubbad sameeyahani waxa uu amaanay macallinka Bayern Munich, Jupp Heynckes oo uu ku sifeeyey macallin weyn oo yaqaana sida looga faa’iidaysto ciyaartooyada, aadna u caawiya, waxaanu ku adkaystay in uu ka saaciday in ciyaartiisii dib usoo laabato.