Kabtanka Manchester City Oo Aaminsan In Kooxdiisa Difaacan Karto Horyaalka Premier League

Kabtanka kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa soo bandhigay fikradiisa ku aadan hanashada kooxdiisa ee horyaalka England  xili ciyaareedka soo aadan ee 2018/19.

Manchester City ayaa xalay markii sadexaad lix sano gudahooda ku guuleysatay horyaalka Premier League,kadib qasaaro xalay Red Devills ka soo gaartay West Brom.

Kompany ayaa sheegay in uu dareensanyahay in kooxdiisa ay heysato xirfadlayaal heer sare ah, isla markaana uu aaminsanyahay in sanadka kale ay difaacan karaan horyaalka Premier League.iyagoo suuqa ciyaartooy ka dalban.

Difaaca Belgium ayaa rajeynaya in kooxdiisa ay noqon doontii kooxdii ugu horeysay ee difaacata horyaalka England tan iyo 2006 2008 oo Manchester United ay sidaasi sameysay.

Ugu danbeyn Manchester City oo 2014 iyo 2012 hanatay horyaalka England ayaa garoomada ku soo laaban doonta Sabtida soo aadan,markaa oo ay qaabili doonaan kooxda Swansea City.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.