Kaka Oo Loo Magacaabay Kabtanka cusub ee Orlando City

Kaka Oo Ka Tagaya

Xiddigii hore ee Brazil, Ricardo Kaka ayaa noqday kabtanka kooxda Orlando City oo uu ku biiray xili ciyaareedkii hore.

Kaka ayaa noqonaya kabtan kadidb hal xili ciyaareed waxaanu ku hoggaamin doonaa kooxdiisa reer Maraykan horyaalka dalkaas ee bilaabmi doona bisha March ee soo socota.

Kaka oo hore ugu soo ciyaaray AC Milan iyo Real Madrid ayaa sannadkii hore ka tegay Milan kuna biiray Orlando City waxaanu ciyaarta koowaad ee uu kabtanka yahay ay iska hor iman doonaan New York FC.