Koox si ay niyadda ugu dhisto laacibiinteeda sheeko la yaab leh ku dhaqaaqday!

Kooxda tamarta  yar ee Japanese-ka ah ee Omiya Ardija ayaa la timid xal la yaab leh oo ay ku heli karto taageerayaal ma daalayaal ah oo ka muuqda kulamada ay ciyaarayso  “illeen way daawadaan ma dhihi karnee”.

Kooxdan, oo ka dheesha J-League division one, ayaa waxaa ciyaareheeda daawada taageerayaal faro ku tiris ah, balse waxay la timid xal ay doonayso inay niyadda ugu dhisto laacibiinteeda ka niyad jabsan garoonka haawanaya. Taageerayaashan meesha sudhan ayaanse waxoogaa qaylo iyo sawaxan ah samayn karin, taasoo arrintan ka dhigaysa mid shaki laga qabo inay guulaysan doonto iyo inkale.