Kooxda Realmadrid Oo kiishkeeda lacagta hoos u faqaday diyaarna u ah inay 50-Milay ku soo qaadato Vidal

Sida daaha laga rogay naadiga Real Madrid ayaa diyaar u ah inay adduun dhan 50-milyan oo euro iyo waliba ciyaartoy dhaafsato xiddiga khadka dhexe ee naadiga Juventus Arturo Vidal.

Tuttosport ee ka soo baxda Talyaanig ayaa subaxaan qortay in Los Blancos ay diyaarineyso inay 50-milyan miiska u soo saarto Vidal.

Waxayna intaa ku dartay jariiradda in ciyaaryahan amaba laba ciyaaryahan oo ka tirsan Real Madrid qeyb looga dhigayo heshiiska uu Vidal ku imaanayo Bernabeu.

Waxaana la magac dhabay inay heshiiska qeyb ka noqon karaan xiddigaha Marcelo, Fabio Coentrao iyo Alvaro Morata.