Kooxo Waaweyn Oo Isku Haysta Argen Robben-Ka Cusub

Bilal Ould-Chikh oo u ciyaaraya xulka Holland (Midig)
Bilal Ould-Chikh oo u ciyaaraya xulka Holland (Midig)

Bilal Ould-Chikh da’diisu waa 17 jir, waxaana isha la wada raacaya dhamaan kooxaha waaweyn ee Yurub.

Wargeyska Sunday Peole ayaa saaka qoray in ciyaartoygan oo ka tirsan kooxda FC Twente, una dhashay wadanka Holland uu sameeyey bandhig ciyaareed heerkiisu sarreeyo, kaasatan marka uu kubadda ciyaarayaryo oo uu u eeg yahay laacibka weyn ee Argen Robben.

Heshiiska uu ciyaartoygan yari kula joogo kooxda FC Twente ayaa waxa uga hadhay 14 bilood oo kaliya, waxaana markiiba damacooda gudbiyey kooxo waaweyn oo ay ugu horreeyaan Manchester United, AC Milan, Inter Milan iyo Fiorentina.

Bilal Ould-Chikh ayaa lagu daray xulka qaranka da’yarta Argentine isagoo ay da’diisu tahay 16 jir, waxaanu wacdaro ka dhigay da’yarta 19 jirrada ciyaar isreeb-reebka Euro ka tirsanayd oo xulkiisa uu gool u dhaliyey.

Laacibka Bayern Munich ee Robben ayaa isagana uu ka tegayey Chelsea lala xidhiidhinayey in uu ku biirayo Manchester United hase yeeshee waxa uu ka degay Real Madrid oo uu uga sii wareegay Bayern Munich.