Kroos Oo Farriin Duco Ah U Diray Bale iyo Modric: Hore U Bogsada

Bale Modric

Toni Kroos ayaa farriin duco ah u diray labada ciyaartoy ee Luka Modric iyo Gareth Bale oo ku dhaawacmay ciyaartii ay Real Madrid 3-1 ku karbaashtay Malaga ee Sabtidii.

Kroos ayaa bartiisa bulshada soo dhigay farriin kooban oo uu ku dul qoray sawirka labada ciyaartoy, taas oo ku qornayd luuqadda Englisha, isla markaana sida sawirka ka muuqata u qornayd.

Farriintan ayaa waxa uu ugu duceeyey labadan ciyaartoy inay hore uga bogsadaan dhaawaca.

Kroos ayaa ku keliyeysan doona khadka dhexe, waxaana uu waayi doonaa garabkii adkaa ee isfahamka badani u dhexeeyey ee Modric kaas oo si khibrad badan leh ay khadka dhexe u wada maamuli jireen.