Liiska Ciyaaryahanada Lala Kala Wareegay Shallay ilaa Xallay Oo Ahaa Maalintii Ugu Danbeysay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa damaankii lagu kala baxay suuqa ciyaaryahanada dunida oo xallay xidhmayay, ciyaaryahanadii heshiisyadoodu dhamaystirmeen oo dhan: 

Mohamed Salah wuxuu heshiis amaah ah ugu wareegay Fiorentina isagoo ka amba baxay Chelsea

Aaron Lennon Heshiis amaah ah ayuu kaga wareegay Tottenham uguna biiray Everton.

Xherdan Shaqiri ayaa ka dhaqaaqay Bayern Munich heshiis amaah ahna ugu biiray Inter iyadoo heshiis kiisa dib laga qiimayn doono kadib marka ay Inter ku qanacdo qaab ciyaareedkiisa.

Cani ayaa heshiis ay wada saxeexdeen Atletico Madrid kadib markii ay Amaah kaga soo wareegtay Villarreal

Juan Cuadrado ayaa heshiis 26.8 milyan oo ginni ah ugu biiray Chelsea isagoo ka yimid kooxda Talyaaniga ah ee Fiorentina.

David Santon ayaa amaah ugu biiray kooxda Inter Milan isagoo ciyaaryahankan difaaca bidix ahi ka soo jarmaaday kooxda Ingariiska ah ee Newcaste United.

Andre Schurrle ayaa heshiis 24 milyan oo ginni ah kaga dhaqaaqay kooxda Chelsea waxaana uu ku biiray kooxda Wolfsburg.

Wilfried Zaha oo si dhamaystiran uga tagay Man United islamarkaana dib ugu noqday Crystal Palace isagoo u saxeexay heshiis shan sanno iyo badh.

Southampton ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay xiddigii Benfica Filip Djuricic.

Genao ayaa si rasmi ah uga soo iibsatay kooxda Roma weeraryahan Marco Borriello waana heshiis joogta ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Juventus Federico Mattielo ayaa amaah ugu biiray inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kooxda Chievo.

Juventus ayaa si rasmi ah dib ugu soo ceshatay Stefano Sturaro oo amaah ugu maqnaa Genoa.

AC Milan Oo La wareegtay Gabriel Paletta

“AC Milan ayaa heshiis ku meel gaadh ah la saxeexatay ciyaaryahan Gabriel Paletta oo ay kagala wareegtay kooxda  Parma FC.

Difaacyahankan ayaa naadiga Milan qalinka ugu duugay heshiis mudadiisu dhan tahay ilaa 30 ka bisha June sanada 2018 ka.”

Alessandro Matri wuxuu ka yagay Genao balse waxaa mulkiyadiisa lahayd Milan wuxuuna amaah ugu biiray oo uu dibu ugu noqday Juventus inta ka hadhay xilli ciyaareedkan.

Luca Antonelli wuxuu ka tagay Genao wuxuu ku biiray AC Milan heshiis seddex sanno iyo badh ah.

Marcelo Diaz wuxuu ka tagay Basel wuxuu ku biiray Hamburg SV heshiis labo sanno iyo badh ah.

Charis Mavrias wuxuu ka tagey Sunderland wuxuu ku biiray Panathiniakos heshiis amaah ah

Robert Huth ayaa amaah ugu biiray kooxda Leciester City

Robert Huth wuxuu ka tagay Stoke City wuxuu ku biiray Leicester City heshiis amah ah.

Sebastian Giovinco wuxuu ka tagay Juventus wuxuu ku biiray Toronto FC heshiis xor ah ka dib markii Bianconeri ay laashay qandaraaskiisa.

Febrigas Oo Macasalaameeyey Schurrle Isla Markii Lagu Dhawaaqay Tagistiisa

Febrigas

Kadib markii si rasmi ah shaaca looga qaaday in ciyaaryahan Andre Schurrle uu ugu wareegay kooxda Wolfsburg qiime lacageed oo dhan  €32m kana xamaan urursaday Chelsea, ayaa ciyaaryahanka reer Spain ee Cesc Fàbregas ayaa durbadiiba baahiyey fariintiisa macasalaamaynta ah ee uu ugu sii ducaynayo saaxiibkii.

Fabregas ayaa soo dhigay bogga uu ku leeyahay shabakada Instagram dhambaalkan. “Saaxiib safar wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa digarogashadaada. Waanu kuu xiisi doonaa.”