Xummada El Clasico: Diyaar Garowga Daawashada Barca V Real Oo Gellin Horeba Loo Diyaar Garoobay

Taageereyaasha labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa gellin horeba sii diyaarsaday qaabkii ay u daawan lahaayeen ciyaarta dhex maraysa labadaas kooxood, taas oo caawa 11:00 Fiidnimo ee wakhtiga bariga Afrika bilaabmi doonta.

Taageereyaal xamaasadaysan oo ku sugan magaaladooda Barcelona ayaa jidadka taagan iyaga oo ruxaya calanka kooxooda iyo waliba calanka gobolka Catalonia oo doonaya in uu ka go’o dalka Spain.

Dhinaca kale, mucaashaqiiinta ciyaaraha ee magaalada Madrid ayaa iyaguna ku qulqulaya magaalada Barcelona si ay kooxdooda ugu sacabbo-tumaan marka ay ciyaartu bilaabanto, isla markaana niyad dhis iyo taageero ula garab istaagaan.

Ma aha kaliya wadanka Spain halka daawashada ciyaartaas looga diyaar garoobayaa, laakiin dhamaan dalalka dunida ayaa si aad ah looga daawan doonaa.

Dadka Somalida ah ee daawada ciyaaraha ayaa iyaguna la kala safan doona labadan kooxood.

Ballan-qaadka shabakadda www.cadalool.com

Shabakadda www.cadalool.com waxay u ballan qaadaysaa akhristeyaasha in ay ciyaarta si toos ah uga daawan doonaan ciyaartaas oo bilaabmi doonta 11-ka fiidnimo.