Barcelona iyo Juventus oo Aasay Manchester City & Dortmund

barca 1-0 city
Labada kooxood ee Barcelona iyo Juventus ayaa iska xaadiriyey wareegga Quarter finalka ee champions league kadib markii ay cashar u dhigeen Manchester City iyo Borussia Dortmund.

Ciyaar aad loo sugayay oo ay ku xidhnayd rejada dalka Ingiriiska ayaa waxa isaga hor yimid Barcelona iyo Manchester City, waxaana laga filayey in ay City la timaado goolal si ay u noqoto kooxda kaliya ee naadiyadii Ingiriiska ku sii jirta Champions League, hase yeeshee laacibka Lionel Messi ayaa si walba ugu galgashay oo kala daadiyey difaaceeda, waxaanay ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Barcelona. Lugtii hore ee labadan kooxood eek a dhacay garoonka City ee Etihad Emirates ayaa ku dhamaaday 2-1 ay Barca ku badisay, waxaana guud ahaan marka la isku celceliyo ay labada kooxood ku kala baxeen 3-1 ay ku badisay Barcelona.

Dhinaca kale, Juventus ayaa xaqiijisay in ay ka mid noqoto siddeeda kooxood ee isugu soo hadhay Champions Leagu kadib markii ay 3-0 xalay ku khaarajisay, iyadoo lugtii horena ku dhamaatay 2-1 ay Juventus ku badisay. Celcelis ahaan waxay Juventus guushu ku raacday 5-1.