AC Milan oo mar kale Kuftay

MILANKooxda kubadda cagta AC Milan ayaa mar kale ku margatay in ay sii waddo guusheedii ay toddobaadkii hore uun heshay kadib markii ay barbar dhac 0-0 ah ku kala baxeen Chievo Verona oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ka soo baxay sannad ka hor.

Milan oo toddobaadkii hore gaadhay guul markii ay is haleeleen Cecena ayaa barbar dhac la gashay chievo, waxaanay taasi soo celisay su’aashii la iska weydiinayay mustaqbalka tababare Filippo Inzaghi.

Fursaddii ugu wanaagsanayd ee soo marta intii ay socotay ciyaarta dhex martay Chievo Verona iyo AC Milan ee ay kooxda Milan hesho waxay soo martay qaybtii hore markaas oo uu laacibka Mattia Desto uu dhamaystiri kari waayey kubbad uu Andrea Poli meel dheer uga soo tuuray isla markaana ay isku kaliyeysteen gool hayaha balse uu dhaafin kari waayey.

Si kastaba ha ahaatee guul la’aantan ayaa waxa ay muujinaysaa in ay AC Milan ku jirto xaalad kala-daadasho iyo burbur ku yimid kooxda, isla markaana ay wakhti dheer qaadanayso in ay ku soo laabato kaalinteedii hore.