Riyadii Liverpool Ee Champions League Oo U Muuqata Mid Dhamaatay Kadib Guuldaradii Hull

Hull City ayaa afar dhibcood oo nadiif ah kor uga kacday diilinta ka hadhida horyaalka England, mugdina gallisay riyadii Liverpool ee u soo bixida horyaalka Champions League ee sanadka dambe kadib markii ay 1-0 kaga badisay ciyaaryahanada Rodgers.

Michael Dawson kubad uu qaybtii hore madaxa si qurux badan ugu xareeyey ayaa u gacan gallisay Hull inay 3 dii dhibcood ee ciyaarta gacanta ku dhigto kana kor boodo Aston Villa oo kaalinta 15 aad ay kala baxday.Liverpool oo wacdaro lagu dhigay 1

Jordan Henderson ayaa u muuqday mid barbar dhac ciyaarta kadhigaya laakiin kubadaas ayaa waxaa badbaadiyey goolwadaha Hull City.

Naadiga The Reds ayaa ku guuldaraystay inay wax fursad ah oo gool loo fisho abuuraan, waxaanay guuldaradani geyeysiisay inay todoba dhibcood daba fadhiistaan kooxda kaalinta Afraad ee Manchester United.Liverpool oo wacdaro lagu dhigay 2 Liverpool oo wacdaro lagu dhigay 3