Chelsea Oo Dirqi Ku Dhaaftay Hull City 6 Dhibcoodna Hogaanka Ku Qabatay

Thibaut Courtois ayaa waxaa ceebtii ka maydhay ciyaaryahanka bedelka ku soo gallay ee Loic Remy kadib markii gool uu xili dambe u dhaliyey Chelsea ugu horseeday inay sii kordhiso dhibcihii ay hogaanka horyaalka Premier League kaga haysay Manchester City kana dhigtay lix dhibcood oo nadiif ah iyo kulan baaqi ah.Chelsea 3-2 Hull

Kooxda martida ahayd ayaa lagaga naxsaday laba gool oo mid uu shabaqa ku ruxay Eden Hazard ku kalana raaciyey Diego Costa oo goolkiisu noqonayay kii 20 aad ee uu xili ciyaareedkan dhaliyo.

Laakiin Hull ayaa kaga jawaabtay laba daran doori ah 74 ilbidhiqsi gudohood kuwaas oo ay kala saxeexeen Ahmed Elmohamady iyo Abel Hernandez oo isagu ka faa’iidaystay khalad uu sameeyey goolwade Courtois.Chelsea 3-2 Hull Ci

Xidiga bedelka ku soo gallay ee Remy ayaase ciyaarta go;aamiyey ceebtiina ka maydhay Courtois goolkii guushana gacanta ka saaray tababare Jose Mourinho.Chelsea 3-2 Hull City